Shaqaalahaas waxay ahaayeen kuwo ku howlan ilaalinta tayada raashinka ganacsiga ceeriinka iyo midka bisil, waxay ku wareegi jireen maqaayadaha dukaamada, kuwaasoo isha ku hayn jiray taariikhda loogu tala galay in uu raashinka.
Raashinka haddi uu yahy mid dhacay waxay awood u leeyihiin in ay joojiyaan raashinkaas waqtigu ka dhacay, waxay kale oo ay si toos ah u geli jireen maqaayadaha cuntada waxayna si aad u fiiri jireen dharka shaqaalaha jirkooda timaha iyo shaatiyaasha ay gashan yihiin nadaafaddooda.
Hase ahaatee, maanta haddii aad magaalada oo dhan marto ishaadu qabanmeyso shaqaalihii faya dhawrka ahaa laakiin waad arkeysaa maqaayado furan oo iibinaya raashin xaaladdiisa Alle ogyahay iyo weliba qashin fara badan.
Sidoo kale, raashin dhacay oo ay ka mid yihiin burka iyo bariiska oo intey dhagax noqdeen hortaada mar kale makiinad lagu burburinaayo jawaanno lagu cabbeynaayo dadka sidii raashin cusub looga iibinaayo sidii raashinka cusub oo hadda soo degay.
Shaqaalahaani waxay ahaayeen kuwo ilaaliya caafimaadka waxayna subax kasta ku soo kallihi jireen maqaayadaha iyo dukaamada sidoo kale, waxay isha marin jireen raashinka bisil iyo kan ceeriinka ah intaba.
haddaba shaqaalaha faya dhowrku waxay ahaayeen shaqaale muhiim u ah ilaalinta caafimaadka iyo nolosha dadka ku nool magaalooyinka waayo haddii aan caafimaad jirin waxba ma jiraan.
Caafimaadku waa qaybta koowad ee noolaha, nolosha bini’aadamku waxay ku tiirsan tahay waa nolosha noole, marka labaad in jiro caafimaad, marka seddaxaad in la helo biyo iyo raashin caafimaad qaba, abni iyo kala dambeyn waxbarasho iyo horumar.
Aadanaha waa rejo ku nool waxayna qof waliba heshaa wixii ilaahey u qoray Haddaba, waxaa laga fiican yahay in aad ku tacaddido dalkaada, ha ku fikirin weligaa in aad wax u dhinto dadka iyo dalk, adduunkana ugu noolow adigoo weligaa noolaanaya, aakhirana uga feker adigoo hadda dhimanaya oo kale.
Haddaba, waxaa habboon inla abuuro shaqaalihii faya dhowrka magaalooyinka kuwaas oo ah lagama maarmaan waxayna koontaroolaan miyiga iyo magaalada waayo waxaa isku xiran nolosha magaalada iyo miyiga oo weliba caasimadda, gobollada iyo degmooyinka gobolka banaadir iyo waddanka intiisa kale.
Sidaas darteed, cudurka ka taga magaala madaxda wuxuu gaarayaa dalka oo dhan sidaa awgeed ka hortaggu waxaa uu ka fiican yahay ka daba tagga.
haddaba waxaa habboon in laga hortago caafimaaddarrada nolosha iyo caafimaadka, waxaan soo jeedinneynaa in dib loo soo celiyo shaqaalahii khibradda u lahaa faya dhowrka tayada iyo bed-qabka ummadda.
WQ: C/salaam Axmed Gabeyre