Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Dalka Afgaanistaan ​​oo ku dhow xadka Pakistan.

Dhulgariikaan oo dhacay habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in ay ku burbureen guryo ka samaysan dhoobo iyo alwaax oo ku yiillay Gobolka Kunaar iyo deegaanka Nangarhar .

Dhulgariirkaan oo  cabbirkiisu ahaa 6 magnitude ayaa laga dareemay Pakistan oo deris la ah Afganistan iyo Dalka Hindiya,waxaana weli socda dadaallo lagu bixinayo samotamixinta dadka oo ay ka qeybqaadanayaan diyaaradaha helikobtarka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban ayaa  sheegtay in tirade dhimashada ay haatan gareyso  622,waxaana jira koror sii baahaya oo ku saabsan khasaaraha dhulgariirka marka la eego fogaanta goobaha ay saameeysay masiibadaasi  iyo dhibka hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay ku qabaan gaaritaanka halkaasi.