DHOWRISTA WADDOOYINKA ISKU XIRA GOBOLLADA DALKA WAA MUHIIM

Waddada waa marinka keliya ee isku xira xaafaddo, magaalooyinka iyo marino muhiim ah oo layskaga kala goosha, taasoo dad iyo duunyaba lagama maarmaan u tahay la’aanteed.

Guri kasta marka uu qof doonayo in uu iibsado waxa ugu muhiimsan ee laga eego waa jidadka, haddii aanu booskaasi lahayn marin wanaagsan, lama iibsanayo ama qiimo fiican ma goynayo.

Haddaba, waddooyinka oo wanaagsanaado waxay bulshada iyo muumulkaba u sahashaa adeeg suuban oo isku xir xooggan leh, waxay sahashaa safarada loogu kala goosha dalka gudihiisa iyo debaddiisaba in si dhakhsi ah lagu gaaro hadba qofka meesha uu doonayo.

Dhanka kale, waxaa jirto burbur xooggan oo soo gaaray waddooyinka, kuwaasoo la burburay dowladdii dhexe ee Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa aada gobolladda dalka, waddada dheer ee xiriiriso Xamar ilaa Hargeyso waa marinka ugu dheer dalka badankiisa burbur lixaad leh ayaa soo gaaray, in kastoo ay meelaha qaarkooda maamulladii dalka ka jiray ay meelo ka dhiseen, haddana baahi weyn ayaa ka jirto.

Xilliyadda roobabka ay curtaan, oo roob lagu diirsado da’o wuxuu galaaftaa waddooyin muhiim u ah bulshada, wuxuu burburiyaa buundooyin, wuxuu kala xiraa safarka meelo badan oo dalka ah.

Bulshada iyada ayaa isu xilqaami karto dib u dayactirka waddooyinka halbowlaha u ah mujtamaca, Soomaalida ayaa tiraahda “Far keliya fool ma dhakhdo” taasoo loola jeeda markii xoogga iyo maskaxda la biiriyo in ay waxqabad ka soo baxayso taasoo lagu dhisi karayo jidad badan oo muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya oo Kaashaneysa saaxiibadeed ayaa dhisay dhowr waddo oo caasimadda iyo gobollada ah, waana marino loo baahi qabay isticmaalkooda, welina dowladda waxay ku howlan tahay in ay hagaajiso jidadka dayacan ee guud ahaan dalk.

In la ilaaliyaa badqabka jidadka waxay u muhiim u tahay shacabka, waana in ay u istaagaan dhowritaankeeda, dowladdana mas’uuliyad weyn ayaa ka saaran wax ka qabadkeeda.

WQ: C/wali Daljir