Dhirta waxay ka mid tahay noolaha, waxayna faa’ido weyn u tahay dhammaan noolayaasha kale, sida xayawaanka iyo bini’aadamka.
Sida aynu wada ogsoonnahay dhirtu waa hu’ga dhulka iyo quruxda deegaanka waxayna inoo leedahay waxtar aad u badan waxaana ka mida ah miraheeda oo aynu cunto ahaan u cunno, xoolaha oo inoo daaqa, waana hoyga duurjoogta iyo ugaadha.
Dhirta waxtarkeeda oo aan la soo koobi karin ayaa hadda waxa jira dhibaato ba’an oo lagu hayo, taasi oo sababi karto abaar joogta ah deegaan xumo iyo daaq la’aan.
Haddaba, dhirta oo inoo leh faa’idadan ayaa waxa jira dad yar oo si khaldan u adeegsada isticmaalka dhirta, waxaa jirto dad ka sameeyo ganacsi oo jaraya dhirta iyagoo doonaya in ay dhuxul ama qoryaha dabka lagu shido ka sameeysanaya ayaa waxaa laga yaabaa in ay jaraan dhir qoyan ama ummadda iyo deegaankaba anfici lahayd, halka inta badan geedaha qalalan laga sameeyo dhuxusha, xaabada iyo qoryaha waa weyn ee la shito.
Waxyaabaha sababa Lama deegaanka dhulal aad u badan oo lahaa kaymihii aduunka ugu waa weynaa ayaa dhirtii laga jaray Lagana dhigay Lama degaan. Sannadahii la soo dhaafay ayaa ugu badnaa waxaana la jaray tirada ugu badan dhirta la xaalufiyey 50kii sanno ee la soo dhaafay.
Sanadkasta dhulka dhirta la xaalufiyo wuxuu le’eg yahay 13.7 million hectar, taasoo keeni karta xaqiiqdii lama deggaan ama aag aan lagu noolaan Karin, meel kastoo dhirtu ku badan tahay waa ay ka qurux badan tahay meelaha kale waxayna u roon tahay indhaha noolayaasha oo dhan.
Waxaa sababa in loo xaalufiyo kaymaha waxa ka mid ah beeraha beeruhu waxay sababaan in kaymaha laga jaro lana xaalufiyo si loogu diyaariyo beerashada loona helo dhul ku haboon wax beerista, sidoo kale marar badan waxaa dhirta loo jaraa si loo helo xaabo la shito.
Waxaana adduunka ku soo badanya koritaanka bini’aadamka iyo koboca magaalooyinka.
Dowladdeena ayaa sameysay siyaadda dhirta iyadoo u xilsaartay wasaarad dhan taasoo la yiraahdo wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda, waxayna ka shaqeysaa sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd mid cagaaran, bilicsan oo deegaan qurxoon, si jiilka hadda joogo iyo kuwa imaan doona ay ugu manaafici lahaayeen.
WQ: DALJIR