Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waa magaalo madaxda dalka waxa ay fariisin u tahay dowladda federaalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab ka badan saddax malyan oo qof balse tirakoob sax lama hayo waa qayaas.
Sidoo kale, waa magaalo ganacsigeeda si xooggan uu oga socdo caasimadda dalka.
Horumarro kala duwan ayey caasimadda dalka sameyneysaa waxaana magaalada ku arkeysaa dhismayaasha casriga ah ee dalkeena Ka dhismaayo waxaana ay caasimadda dalka u horseedayaan dhismayaasha casriga ah muuqaal ahaan bilic gooni ah oo ishu ku raaxeysato.
Sidoo kale, waxaa dhismooyin qurux badan oo laamiyo ah Ka socdaan magaalada muqisho waana hormarka dalka ka socdo caasimada waxa ay la tartameysaa caasimadaha kale ee adduunka sababta horumarkaas socda waxaa qeyb ka ah nabada caasimadda oo hagaagtay.
Ganacsiyada kala duwan ayaa caasimada dalka maalinba maalinka Ka sii danbeysa ku soo badanaayo magaalada muqisho ganacsiyadaas waxa ay horumar ka qaadanayaan hormarka dalka iyo quruxdeeda balse mararka qaarkood ganacsiyada tiro beel ka ah waxa ay keenaan dhibaatooyin waxaana ay suuq xumo baahsan ku ridayaan ganacsiyadii badnaa ee kala horeeyey taasina waxa ay sababi kartaa in horumarkii ganacsi ee dalka gaar ahaan caasimadda oo ah isha kaliya ay eegtaan shacabka Soomaaliyeed in uu qaasro waana dhibaato weyn.
Hadaba, maxay yihiin dhibaatooyin ganacsi ee Ka jira caasimadda dalka maxaana lagu xalinayaa.
Ganacstada magaalada muqdisho ayaa dhibaatooyin xooggan soo wajahday waxaana ay Ka cabanayaan ganacsiyo badan oo tira beel oo caasimadda dalka ku soo badanaayo ganacsiyadaasna waa hal ganacsi oo ay ganacsatada iska daba sameestaan waxaana aad arkeysaa hal goob oo ku yaala afar ganacsi oo hal wax gadaayo taasina waxa ay keeneysaa burbur dhaqaale iyo in ganacsiga uu xirmo.
Ganacsatadeena lama yimaadaan fikirado cusub oo ganacsi oo kala duwan taasina waxa ay keentay in ganacsigii ay burburaan oo qasaaro uu ku yimaado.
Sidoo kale, ganacstada ayaa Ka cabanaayo in ganacsiyadooda ay qarka u saaran yihiin in ay xirmaan ayaga oo u sababeenaayo in ganacsiyada mid ka mid ah uu keeno alaabo taya saro leh taasi oo ugu imaaday qiimo yara koreeya balse waxaad arkeysaa isla alaabtii oo kala oo aan la heen tayo badan lana iibinaayo qiimo hooseeyo taasina waxa ay keentay in ganacsigii uu qaasaaro oo uu ku dhaco suuq xiran.
Dowladdka waxaa looga baahan yahay in ay wax Ka qabtaan dhibaatooyinka ganacsi ee dalka Ka jira oo ay u sameeyso sharciyo kala xadida ganacsiyadooda lagana hubiya tayadooda sidoo kalena ay dowladdu ay joojiso ganacsiyada isku midka ah in laga wada furto hal goob ah oo ay u horseedeyso qasaaro.
Dowladdu waa in ay dhiriigalisaa muwaadiniinteeda cashuur bixiyaasha ah kana caawisaa dhibaatooyinka la soo gudboonaado in ay xaliso gacan qabato iyo in ay hormarkooda ay qeyb ka qaadato.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan