Mararka qaar fajac ayey kugu noqoneysaa in aad aragto afar farmashiye oo iska barbar furan iyadoon hal waaddo dhaxeyn, sidoo kalena waxaa la yaab kugu noqonaya labo maqaayad oo cunto isku mid ah kariya oo iska soo horjeeda.
Muqdisho oo keliya ma aha laakiin magaalooyinka soomaalida inta badan caadadan waa leeyihiin waxaana kugu soo dhacaya ganacsi isku wada mid ah ooh al nooc ah in uu jiro.
C/laahi Xasan Salaad wuxuu ku nool yahay Muqdisho wuxuu sheegay in degaanka Dharkenley uu ka furay maqaayadaha loo yaqaano borostooyinka ee lagu dubo digaaga laakiin maalmihii ku xigayba ay ganacsato kale jidkii maqaayadda uu ka furay ay iyagana ka fureen dhowr maqaayadood ooduba hilibka digaaga.
“Aniga maalmihii hore maqaayadeydu suuq bay laheyd oo macaamiishu waa ku badnaayeen laakiin hadda maya..maqaayadihii la iga daba furayna iyaga laftooda suuq la’aan baa ku dhacday..waan wada shiiidnay “ ayuu yiri C/laahi.
Arrintaan waxay muujineysaa in uu yar yar hal abuur lala yimaado laakiin la sugo hal qof oo wax cusub oo ganacsi gal ah keeena ka dibna fikradiisii la wada qaato oo ganacsigii lagu dabaqo taas oo aaan anheyn horumar balse ah caajisnimo iyo in aan maskaxda laga shaqeysiineyn.
Maxamed Cilmi oo ah aqoon yahan u fiirsaday ganacasigaas isku dayashada ah ee aan ku dhisneyn wax cusub curinta wuxuu sheegay in dad badan oo ganacasato ah oo qaarkood fikrado la yimid halkii ganacasigoodu badan lahaa ay curyaamiyeen ganacasato kale oo minguurin ama koobi fikradadaha ganacasiga joogto ka dhigatay.
“Waxaad arkeysaa mar walba Muqdisho iyo meelo kale ganacsi hal nooc ah oo soo badanaya,,mar waxaa magaalada ku badnaa MMiNI-MARKET, mar kale wxaa soo batay isbitaalada gaarka loo leeeyahay..mar waxaa badnaa rugaha qurxinta dumarka, muddoyinkan dambena goobaha dalxiiska..taas waxay ku tusinyesaa in ganacsiga Soomaalida aanu ku imaanin fikrad la shiilay oo muddo dheer laga fekerayey laakiin uu noqday wixii loo bato adna sameyso.
Ganacsiyada horumaray waxay ku dhisan yihiin wax aad ganacsiyada kale ee suuqa ku jiray dheeraaan karto ee ma aha in aan fikrad qof la yimid adna aad sameyso oo ganacsi ka dhigato.
Ganacasiga noocaaan ah waa duminta ganacsiyo hore u jiray oo kaa horreeyey hirgalayna maadaama aad isla isagii la soo shirtageyso taas oo ah wax aaan wanaagsaneyn.
Sidoo kale tani waxay ka mid tahay caqabadaha hortaagan in ganacsiyo waaweyn ay Soomaalid u sameyn karto maadaama ay tahay curinta asalka ah ee qofka raba in uu ganacsi iyo adeeg dadka u soo kordhiyo.
“In aan firad cusub lala imaan oo minguurin amma koobi mid qof leeyahay la wado waa tan maanta mar keliya wax aan sanad dhammeyn ay u soo baxaaen in ka badan 65 shirkadood oo FOREX ah oo la og yahy wixii lagala kulmay “ ayuu yiri Sadiik abdi Afrax oo aad uga soo horjeeda fikrada ganacsi ee isku dayshada ah .
Taas waxaana iyana sii raaca shirkado soomaali ah oo dharka ka soo sameeya dalal ay Shiinuhu ka mid yihiin oo qaata naqshado ay shirkado kale hore u lahaayeen, wax ka soo bedela , waxna dhima tayadii hore balse u ekeysiiya tii asalka aheyd.
Inta aan la heynin fikir curin hal abuur leh oo aan wadno ku dayashao wax qof ka fekearay oo fikirkiisu leeyahay sidii aan annagana u dayan laheyd marna ma dhaceyso horumar loaga tallaabsado dhinaca ganacsiga iyo la tartanka dadka kale eek u nool caalamka.
WQ: Mohamed Shiil