Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo, abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xigtaan.
Ujeedooyinkaasi waa kuwa uu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.
Sida ay diinteena suubani tilmaamaysana qabiilka in laysku aqoonsado iyo in lagu abtirsadaaba ceeb maahan, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe, taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.
Nabigeenii suubanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xigaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.
Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah, oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada xigtada ah gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doono, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.
Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun markii sida foosha xun loo isticmaalo oo ah inaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan oo aan ahayn sidii loogu talagalay waxeyna kugu hoggaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.
Qabyaaladda in si qaldan loo isticmaalo waxaa keena jaahilnimada iyo doqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.
Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.
Waxa ay diinteena suuban muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, waayo dhibaatada qabyaaladda ma ahan mid dunida oo kaliya kugu saameyneysa ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah xadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka u dagaalama qabyaaladda darteed kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.
dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laakiin dhib mooyee dheef keeni maayo.
Tusaale, waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda maanta waxeynu nahay dal ay tusaale u soo qaataan hoggaamiyaal shisheeye oo badan.
Markaan maamul dowlaadnimo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awooddeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn waxaana in badan aan ka harnay dunida gaar ahaan kuwa nala deriska ah oo ka baqi jiray guuxeenna.
Haddaba Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna adduun iyo mid aakhiro aan u wajahno ugana faa’iideysano fursadaha qaaliga ah ee manta na horyaalle ee dowladdeenna soo dhirindhirisay .
DALKA EDATORIAL