Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada da’ yarta ah, waxaana bahda caafimaadka ay ka digayaan saameynta taban ee ka dhalan karta xaaladan.
Xanuunada halista ah ee laga dhaxlo dhibaatadani ayaa waxaa kamid ah qabatinka (Addiction), cudurada ku dhaca maskaxda nuucyadooda kala duwan sida Walwalka, Niyad-jabka iyo Waalida.
“Marka aan bilaabaayay daaweynta xanuunnada Nafsiga ah, waxa aan ogaaday in uu aad u kordhaayay xanuunnada Nafsiga oo in badan ay sababaan daroogada” ayay tiri Dr Idil Cawil Cilmi oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan Muqdisho lagu qabtay.
Sababaha ugu waa wayn ee keeni kara in qofka uu isticmaalo Maandooriyaha waxaa kamid ah Shaqo-la’aanta jirta, sidaasi waxaa lagu soo bandhigay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Dr Ibraahim Dhaqane Cali oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sababta dhalinayarrada u isticmaalaan Maandooriyaha, taasi oo uu ku tilmaamay shaqo la’aanta iyo in ay awood ka raadinayaan.
Marka laga soo tago saameynta Shaqsiga qofka isticmaalaya Maandooriyaha waxaa sidoo kale jira dhibaato bulshada ay kala kulmi karaan ruuxaasi.
Axmed Maxmuud oo ah bare wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan uu Maandooriyaha ku keeni karo Bulshada.
“Dadka inta badan isticmaala Maandooriyaha waxaa ay si fudud u geysan karaan falalka Amniga lidiga ku ah, taasi oo dhiiri gelin karta sare u kaca dambiyada ” ayuu yiri Bare Axmed Maxamuud.
Abuukar Cawaale qaad-diid oo ka hadlay aafadda maandooriyaha iyo dhibaatooyinka uu sababo ayaa xusay in maandooriyuhu ka sokow inuu halis ku yahay caafimaadka qofka sidoo kalena uu sababo dhaqaale burbur iyo qoys burbur taas oo sababi karta marka qoyska burburo in caruurta dayacanto duruufahana looga faa’iidaysto” qoyska marka uu burburo caruurta ayaa khatar u gelaysa in kooxaha balwadaha isticmaala ay u gacan galaan,sidoo kale waxay sababi kartaa Amni darro sida qofka inui wax dilo ama ku biiro kooxaha dambiileyaasha ah” ayuu yiri Abuukar qaad-diid.
Taliyaha hoggaanka Diinta iyo dhaqanka Ciidanka Booliska soomaaliyeed gaashaanle sare Mirre Axmed Mataan ayaa dhankiisa sheegay in loo midoobo la dagaalanka maandooriyaha sidoo kalena xusay in Heya’addaha ku shaqada leh la dagaalanka maandooriyaha ee kala ah Booliska,Wasaaradda Caafimaadka,gobolka Banaadir iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta doorkooda qaadaan tallaabooyin dheeraad ahna la yinaadaan.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Mudane Xasan sheekh maxamuud ayaa dhowaan si adag uga hadlay dhibaatadda maandooriyaha, isagoo Talisyadda ciidanka Booliska faray in ay ka ilaaliyaan in Ciidanku isticmaalaan maandooriyaha.
Xigasho: SONNA