DHAQ-DHAQAAQA GANACSIGA OO LAGA DAREEMAY SARE U KAC

Iyadoo dhawaan la filayo dhalashada Bisha Ramadaan ayaa qeybaha khudaarta iyo Hilibka laga dareemayaa xooga kor u kac dhanka sicirka ah, waxaana dhaca sannad waliba sidaas iyo si la mid ah.

Waxaad dareemeysaa in hadal heyn badan ay ka jirto kor u kaca sicirka iyadoo dadku si aada ugu sii qulqulayaan gudaha suuqa iyo baqaarrada raashinka waana wax iska caadi ah oo Ramadaan kasta ayay dhacdaa in shacabku ku yaacaan suuqyada si ay u dhigtaan raashin iyo cabitaan ku filan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Haddaba, ganacsatada ayaa ka faa’iideysta saxmada iyo isciriiriga shacabka waxayna ku tilmaamaan Mowsin, waa waqti si fiican ganacsatadu uga faa’iidaan dadka wax ka iibsanaya.

Sidoo kale, isla bisha Ramadaan daba yaaqadeeda ayaa ah Mowsin kale oo loogu diyaar garoobayo Ciiddul fitriga, waayo waa bil farxadeed oo la soo gutay Waajibaad Rabbaani ah, waxaana si aad ah looga farxiyaa Caruurta oo maalmahaas aad ka dareemeyso inay tahay maalintooda, sidoo kalena waxaa laga farxiyaa agoonta, masaakiinta iyo dadka danyarta ah ee aan waxba heysan.

Haddaba, iyadoo la ogyahay in bisha Ramadaan si aada loo isticmaalo khudaarta nooc yadeeda kala duwan, hilibka iyo sharaabka, ayaa looga faa’iideystaa shacabka in xoogaa lagu khaaliyo ascaarta, sida mushaarida, timirta iwm.

Waxaa Ganacsatada Soomaaliyeed, u habboon inay shacabka muslimiinta ah aysan uga faa’iideysan gudashada waajibaadka Soonka, ayna ku fiicnaan lahayd in ay u raqiisiyaan si uu u awoodo qof kasta oo dan-yar ah wuxuu ku afuri lahaa.

Ganacsade ogow bishani waa bishii naxariista waa bishii isugar-gaaridda, marka maahan in aad adigana uga faa’iideysato si xad-gudub ah, taa baddal-keeda ayaa lagaa filayaa.

Sidoo kale, muwaadiniinta Soomaaliyeed waa inay gutaan bishan waajibaadka saaran iyo u hiilinta kuwa taagta yar ee aan awoodin inay isbixiyaan.

Maalqabeennada, Tijaarta iyo Madaxda xoolaha heysata waa inaysan ka farxin Caruurtooda oo keliya ee waa inay eegaan kuwa masaakiinta ah ee aan heli Karin waxa isaga uu heysto oo kale, waxaa qalad iyo Sharaf dhac kugu noqoneysaa inaad kumaankun ku soonto adigoo dhankaada ama deriskaadu qadsan yihiin warna aadan u ahaynin inay qadeen ama quuteen.

Waxaana idin dhihi lahaa heysku noqonina kuwii la oran jiray Reer Dibiryo Weyne, oo aanan ka fikireynin Calooshooda mooyee wax kale, taasina dhaqanka soo jireenka ah ee soomaalida wax boos ah kuma laha.

Ganacsatada soo dejisa Raashinka kuwa baqaarada waa weyn heysta Nooc waliba heysugu jireene waa inay camal fiican la yimaadaan bishaan oo kale, waxa ugu horreeya ee masaakiintu ka filayaan waa inay ilaahey ka sukoow la qeybsadaan dhibka ka heysta dhanka maciishadda.

Bishan oo kale, waxaa fiican in ganacsatu aad iyo aad dhulka u dhigaan qiimaha raashinka cabitaannada kala duwan taasi iyagu waxay ka helayaan barako Allaah xaggiisa kaga timaada, waana hubaal kuma qasaarayaan ee way ku barakoobayaan.

Waxaan shacabka soomaaliyeed ee muslimiinta u sheegayaa in ay ka faa’iideystaan bishan lana yimaadaan cibaado dheeri ah Alla ka cabsi tasbiix iyo taxmiid.

W/Q: Osman Dhiblaawe