Dhuusamareeb- Tiro dhalinyaro ah oo hore uga mid ahaa kooxaha khawaarijta Al-shabaab, kuna yimid barnaamijka cafiska qaran ee isoo dhiibayaasha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta MRC ee dhaqan-celinta maleeshiyaadka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Dhallinyaradan oo muddooyinkii u dambeeyay soo gaarayay xerada dhaqan celinta ayaa loo sameeyay fursado dhaqan toosin ah, waxbarasho iyo u abuuridda xirfado ay kula midoobaan dadkooda, kadib markii ay dhameystaan habraacyada barnaamijka ee lasiiyo shahaadada qalin jebinta.
Agaasimaha barnaamijka Qaran ee isa soo dhiibayaasha Al-shabaab ee DRP, Salaad Jilicow iyo Cabdalla Axmed Nuur Agaasime ku-xigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi ayaa xerada MRC ee Dhuusamareeb ku tagay kormeer ujeeddadiisu tahay ogaanshaha sida ay u shaqeyso xeradan oo Dhuusamareeb laga furay billowgii sanadkan 2022-ka,iyagoo soo dhoweeyay tallaabbadan ay dhaalintu isku so dhiibtay.
Dhalinyarada katimid fikirka xagjirnimada ee doortay in ay bulshadooda si nabdoon ula midoobaan ayaa xeradan ka helay waxbarsho, waxaana mid walba oo dhalinyarada ka mid ah la siiyaa duruus joogta ah oo ay wehliso barashada xirfad uu isagu doortay taasi oo noqoneysa tan uu noloshiisa ku maareysan doona marka uu dhameysto mudada dhaqan celinta sida uu sheegey
Cabdirahman Maxamed Cali Agaasimaha xarunta MRC ayaa sheegay in dhallinyarada ka timid fikirka xagjirnimada ee doortay inay bulshadooda dib ula midoobaan inay helaan waxbarasho, iyadoo qof walba la siiyo duruus joogto ah oo ay wehliso barashada xirfadda uu isagu doorto, taas oo uu ku maareeyn karo noloshiisa marka uu dhammaysto muddada dhaqan celinta.
Kororka tirada dhallinyarada Iska soo dhiibay deegaanada Galmudug ayay qayb weyn ka qaadatey tan iyo markii la furay xarunta dhaqan celinta isasoo dhiibayaasha maleeshiyaadka ee MRC Dhuusamareeb, taasi oo iminka ay kujiraan dhallinyaro aad u badan oo badankood yimid bilihii u dambeeyey.