Dhallinyaradii ka badbaaday khatarta tahriibka oo loo diyaarinayo in ay badbaadiyaan dhallinyarada kale

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho kulan isugu keentay ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo dowladda Soomaaliya dib uga soo celisay dalal ay ka mid tahay Liibiya, kuwaas oo la kulmay dhibaatooyinka iyo khataraha tahriibka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah qorshe xal waara loogu raadinayo joojinta tahriibka, iyadoo diiradda la saarayo wacyigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo adeegsan lahaa waayo-aragnimada dadka soo maray safarrada halista ah ee tahriibka.

Qorshahan oo uu hindisay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa ujeeddadiisu tahay in dhalinyarada dalka dib ugu soo laabatay laga dhigo hormuudka dadaallada looga hortagayo tahriibka, si ay farriin toos ah ugu gudbiyaan dhallinyarada kale ee weli ku fikiraya inay naftooda geliyaan safarro aan la hubin halka ay ku dhammaanayaan.

Guddoomiyaha hay’adda iyo masuuliyiin kale ayaa dhallinyarada ka dhageystay xaaladaha adag, dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay kala kulmeen tahriibka, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay hababka ugu habboon ee bulshada looga wacyigelin karo khataraha safarrada sharci-darrada ah.

Dhallinyaradan ayaa fursad u helay inay fikradahooda ku biiriyaan qorshaha, iyagoo ka duulaya waayo-aragnimadooda gaarka ah iyo duruufihii ku qasbay inay safarro halis ah galaan.

Waayo-aragnimadaas ayaa la doonayaa in laga faa’iideysto, si dhallinyarada kale ay u fahmaan khatarta tahriibka ka hor inta aysan go’aan qaadan.

Kulanka waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adda iyo dhallinyarada, lana dhiso gole ay ku mideysan yihiin dadka dalka dib ugu soo laabtay, kaas oo door weyn ka qaadan doona abaabulka iyo mideynta dadaallada wacyigelinta tahriibka.

Dhallinyaradu waxay sidoo kale iska dhex doorteen xubno hoggaan u noqon doona, si loo helo hannaan isku xira dadaalladooda, una sahla inay farriinta badbaadada gaarsiiyaan dhalinyarada ku nool qeybaha kala duwan ee dalka.

Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa sheegay in kulamadu sii socon doonaan, isla markaana lala kulmi doono dadka kale ee dalka dib ugu soo laabtay, si loo mideeyo dadaallada lagula dagaallamayo tahriibka, loona ballaariyo saameynta wacyigelinta.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa qorshaheeda ku saleyneysa laba jibbaaridda dadaallada wacyigelinta, iyadoo kaashanaysa dadka si toos ah u soo maray dhibaatooyinka tahriibka.

Habkan ayaa muhiimad gaar ah siinaya in farriinta dhallinyarada loo gudbinayo aysan ku koobnaan digniino guud, balse ay noqoto mid ku dhisan dhacdooyin dhab ah, casharro laga bartay safarradii halista ahaa iyo talooyin ka caawinaya dhalinyarada inay doortaan waddooyin ammaan ah oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan.

Ugu dambeyn, qorshahan ayaa hiigsanaya in la abuuro dhaqdhaqaaq wacyigelin oo mideysan, kaas oo dhalinyarada ka qeybgelinaya xalka, korna u qaadaya fahamka khataraha tahriibka, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed loona yareeyo dhalinyarada u baxaysa safarrada halista ah.