Waxaan damcay in aan timaha ka jarto mid ka mid ah timo jarayaasha magaalada Muqdisho weliba mid si la yeeb leh u sharraxan oo ka mida ah kuwa loogu jecel yahay magaalada.
Ma aheyn markii iigu horreysay ee aan tago goobtaas iyo kuwo kale oo ku yaalla magaalada waxaanse muddo ka meermeerayey tagistooda aniga oo inta badan xaafadda ku xiiran jiray si aan u muujiyo in aan ciyaal xaafad hore oo weynaaday aan ahay.
Goobtii ayaan galay waxay aheyd goob ay shaqo ka socotay oo aan dareemay in ay shaqo abuur wanaagsan u tahay dhallinyaro badan oo ilaa saddex ah oomidba calafkiisa cidda kursiga uu gadaasha ka taagan yahay ku sugayey, waxayna goobtu aheyd mid si casri ah u habeysan oo soo jiidasho leh.Gudaha timo jaraha waxaan kula kulmay dad Timo jar u jooga oo dahallinyaro u badnaa.Tima jarihii ayaan u tagay kursigii ayaana ku fariistay wuxuuna I weydiiyey “Adeer sidee kuugu jaraa ?” isagoo tirinaya dhowr magic oo aan ka xasuusto “ Ma diiq baan kuugu jaraa, ma afar far baan kuugu xiiraa , dhan xiir , bogba mise liyoon ?”
Wax aan ku jawaabo ayaan garan waayey markaas ayaan ku iri “Caadi iigu jar” markaas ayuu qoslay timajarihii isagoo leh “Caadi laf ahaanteeda sow afkii dhallinyarada maaha, adiguba dhallinyaro cuslaatay baa tahee sida dhallinyarada u jaro “.
Markaa ayaa ku iri “ Ma dhinacyada ayaan xiiirtaa anigoo da’dan ah ka dibna hadal kaftan ah iyo su’aalo ayaa noo bilowday waxaana weydiiyey halka ay ka soo minguuriyaan qaabka xiiridda ee dhallinyarada maanta .
“Waxaan ka fiirinaa jilayaasha filimada , fanaaniinta iyo ciyaartoyda kubbadaha siiba kuwa kubbadda cagta mararka qaarna dhalinyarada ayaa fikradaha qaar ee jarista timaha noo keena ..waa un ku dayasho” ayuuna yiri
Noocyada loo jarto timaha way badan yihiin waxayna qiimaha jarista noocyada dhallinyarada ay u kala sicir ama qiime badan tahay hadba sida ay u kala dambeyso oo kuwa ugu dambeeya ayaa qaali loogu jartaa.
Dhallinyarada timajarayaasha waxay jecel yihiin dhallinyarada jaridooda maadaama ay uga lacag badan tahay tan odayaasha inkastoo timo jarista odayaasha ay fududahay una badan tahay in timaha loo gaabiyo ama (Yuul ) xiirmo madax bannaan ah looga dhigo laakiin lacag badan kama qaadi karaan.
Dhallinyarada qaar ayaa dhibada odayaasha imaanaya timo jarayaasha ee dhallinyarada waanada u soo jeedinaya si ay uga joojiyaan xiirmadaa aan muuqaal ahaan wanaagsaneyn eek u dayashada ah waxayna timajarayaasha laftoodu dhibsadaan la joogista odayaasha yimaada goobahaa si ay uga baxsadaan hadaladaas waandada ah.
Si kasta oo ay tahayba waxaaan fiicneyn ku dayasho indho la’aan ah oo dhaqankaaga , asluubtaada iyo muuqaalkaaga aan u wanaagsaneyn iyadoo maanta Muqdisho lagu wiilal dhallinayro ah oo madaxu si aan wanaagsaneyn oo weliba qaabdarro ah ugu jaran yahay hase yeeshee iyagu isu arka in ay ku qurxoon yihiin oo xarago isla jooxaarinaya.
Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa dhallinyarada Muqdisho ku qasbaya in ay u jartaan qaababkaas minguuriska ah ee aan wanaagsanyn ?
WQ: Mohamed Hassan