Dhaliyarada gobolka Mudug oo garab istaag u muujiyay halganka isku dhafka ah ee dalka looga xoreynayo argagixisada

Dhalinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay in ay gurmad raashiin ah gaarsiiyaan ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada Qeydaro ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku jira halkan isku dhafka ah ee dalka looga xoreynayo argagixisada.

Dhalinyaradan ayaa dhexda u xirtay in ay dhiiri-geliyaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee u istaagay in ay iska dulqaadaan nabad-diidka oo har iyo habeen u taagan gumeysiga shacabka Soomaaliyeed ee abaarta iyo colaada isugu darsantay.

Maamulka iyo dhaqanka deegaanka Qeydaro ayaa qeexay inay ka go’an tahay dagaalka lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab.