Dhallinyarada dooneysa in ay ku biiraan kacdoonka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab ayaa sii xooggeysanaya muddooyinkaan ayada oo inta badan goboladda dalka ay iska abaabulayaan shacabka oo darreemay dhagarta caddowga.
Tuulada Aqab duco oo u dhaxeysa Biya Cadde iyo Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha dhaxe ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro badan oo ka mid ah dadka deegaanadaas oo doonaya in ay qeyb ka noqdaan howgalka dib u xorreynta deegaanadda gobolka Shabeelaha.