DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane, Xamse Aadan Xaadoow, ayaa kulan iskugu yeeray Muqdisho qaar ka mid ah wakiillada hay’adaha caalamiga oo lagaga hadlayay samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Milatariga iyo kuwa Birmadka degdegga ah.

Kulankani oo ay goobjoog ka ahayd Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha Joogtada madashaasi waxa uu ku faah-faahiyay tallaabooyinka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaadday ka war-qabka iyo suuragalnimada daad-guraynta ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.