DF iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis quseeya dhismaha wadooyin muhiim u ah dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday  heshiis ku saabsan  dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka.

Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lamma huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

1- Waddada isku xirta Beled Weyne – Galkayo oo  dhan  327  km.

2- Waddada isku xirta Galkayo – Garowe oo dhan 240 km

3- Waddada isku xirta Galkayo – Hobyo oo dhan 241 km.

4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane – Dolow oo dhan 80 km.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye.

Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah.