DERISKII LIBAAXA IYO DAWACADA (QEYBTA-1AAD)

Deris ayey ahaayeen libaax iyo dawaco labo sac ayeyna xoolo ka lahaayeen qofba maalin ayuu raaci jiray xoolaha.

Maalintii dambe libaaxa ayaa raacay xoolihii wuxuu la joogaba duhurkii markii ay tahay ayey foosheen labadii sac, sacii libaaxa wuxuu dhalay dibi kii dawacadana weyl ayuu dhalay.

Weysha ayaa la jecel yahay maadaama ay tarmeyso waayo dibigu wax ma dhalo.

Libaaxii go’aan ayuu gaaray wuxuuna ku tashaday in uu dibiga ku qadeeyo weyshana saciisa uu ku sidkado waxay talo ka timid wixii uu u sheegi lahaa dawaco wuxuu go’aan ku gaaray in uu yiraahdo sacaadii tiirkan ayuu dhalay.

Wuxuu soo kaxeeyey labadii sac iyo weyshii wuxuuna ku qadeeyey dibigii.

Libaaxu weligii ma sameyn caddaalad muddo dheerna caddaalad darro ayuu kula noolaa habardugaag laakiin dawaco oo xeelado badan taqaanay iyadu marna isma laheyn waa lagu sirayaa .

Waxaa yaab iyo anfariir ku dhalay markii la yiri sacdaada qorigan ayuu dhalay libaaxna ma aheyn shaqsi ay indhaha ku caddeyn karto ama dharbaaxi karto laakiin waxay ku gaabsatay sacayga ma dhalin qori ee noogee bahda habardugaag si ay noogu garqaadaan.

Libaaxii indho caddeys iyo muran ayuu galay si uu uga war wareego garta si aan loogu xukumin caddaaladda.

Libaaxu ma yaqaan caddaalad ee sadbursi iyo boob ayuu yaqaanaa laakiin dawaco xisaab ayey u fadhidaa .

Habar dugaag ayuu u yeeray si loo dhexdhaxaadiyo .

Habar dugaag ayaa gogol fidisay waxayna arrintaa u saareen guddi soo baara kana wardoona sida ay wax u dhaceen.

Xaajo haddii aan la hubsan laguma deg dego oo soomaalidu waxay tiraahdaa Xog ogaal iyo xaajo yaqaan keebaa la qaataa?

Guddiga habardugaag waxay soo lafo gureen arrinta Meesha ka dhacday baaris iyo dabogal dheer ka dib waxaa adkaatay sidii libaaxa loogu sheegi lahaa in uu gardaran yahay .

Arrintaas dabagaalle ayaa la wareegay oo sheegay in uu u garqaadi doono wuxuuna qaatay muddo gaaban oo uu go’aan kaga soo saarayo.

Dabagaalle wuxuu qoday god ka soo bilowda xaafaddiisa ilaa geedka garta lagu qaadayo si uu uga baxsado libaaxa marka uu garta ku furo.

Haddaba arrinta soomaalida yey noqon sidaas oo kale runta ha la isu sheego hana lagu wada qanco dadka walaalaha ahna wax ha wada qabsadeen si aan cadow uga faa’iideysan, garna waxaa  loo dhiibtaa kuwo aan dhinacyada daneynayn oo arrinta dhaxdhaxaad ka noqon kara.

W/Q: Abwaan Gabayre