Dekedda Muqdisho oo uu ka socdo mashruuca dhismaha casriga ah

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay injineerrada fulinaya mashruuca dhismaha casriga ah ee laga hirgelinayo qeyb ka mid ah Dekadda Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha ayaa kula dardaarmay in ay dadajiyaan dhismahan cusub, kaas oo ka koobnaan doono xafiisyo iyo qeyb kale oo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan, oo ah mid ballaaran, ayaa qeyb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo bilicda iyo tayada Dekadda Magaalada Muqdisho, si ay ula jaanqaaddo dekedaha horumarsan ee caalamka.