DEG-DEG: Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 21 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 kalana way ku dhaawacmeen, howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Jabkaan gaaray argagixisada ayaa ka dhigan in afar maalmood gudahooda Ciidanka Qaranka ay dileen ku dhowaad 200 oo ka tirsan Khawaarij Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto Khawaarijta dalka, dadka iyo diinta duulaanka ku ah.