Deegaannada Maamul Gobolleedka Hirshabeelle oo Maanta ay ka socdaan isku soo baxyo waaweyn

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-waxaa weli Gobolada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka sii soconaya isu soo baxyada shacabka Soomaaliyeed ku diidan yihiin farogelinta qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday midnimada iyo gobanimada Soomaaliya.

Isu soo baxyada ayaa shalay si xooggan uga dhacay Gobolka Banaadir,maamulada Galmudug,Waqooyi Bari iyo Koonfur galbeed.

Maanta waxa isu soo baxyo waaweyn ka socdaan gobolada iyo deegaanada Dowlad goboleedka Hirshabeelle halkaas oo shacabka Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan shucuurtooda waddanimo ee ay ku difaacayaan midnimada dalka.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn dunida ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay difaacdaan midnimada dalkooda,sidoo kale Beesha caalamka iyo ururrada Caalamiga ayaa dhammaantood ka hor yimid damaca gurracan ee Israa’iil ku farogelisay midnimada dhulka Soomaaliya.