DEEGAANKU WAA SAFAANA BAHAL GALEEN AH

Dadku sida noolaha kale oo dhan wax uu halgan adag u gu jiraa in uu badbaado oo noociisu sii jiro oo aanu duruufaha ku dabargo’in.

Halgankaa fidrada ah baa dadka tadawuriya jasad ahaan, maskax ahaan iyo nafsiyad ahaanba.

In aynu gacmo dhaadheer yeelannaa wax ay suuragalisay in bahalaha dhirta la ga koro, in laan sare midho laga goosto, in ugaadha la dilo, in wax kaa durugsan la tiigsado, in wax culus lagu qaado iwm.

Lugaheenna dhaadheeri wax ay suura-galiyeen in aynnu aad u orodno oo nacabka innaga adag kaga baxsanno ugaadhana ku gaadhno.

Waa laba tusaale oo ka mid ah fursadihii dadku ku soo badbaaday ee u dabargo’i waayay.

Noolayaal aan tiro lagu koobi karin baa badbaadi kari waayay oo suulay, waxaana ka mid ahaa daynasoorradii oo noolaha jira oo dhan ugu waa weynaa. Jajabnaanta iyo awooddaa jidh ahaaneed dadka waxaa u raacay awood maskaxeed iyo garaad u suuragaliyay in uuna nolosha xoogin uun ee xeeladeeyo.

Dadka iyo noolaha oo dhami halganka badbaadadiisa wax uu ku dhisaa bey’ada ama degaanka uu ku dhaqan yahay iyo sida uu u la qabsado, u barto ee u ga faa’iidaysto.

Degaankuna wuu is beddelaa ee noolaha badbaadaa waa ka is la beddela ama ka hayaama, haddii kale wuu madhaa.

Waxaan oo dhan wax aan u la dan lee yahay, bulshada Soomaalidu wax ay lahayd degaan iyo duruufo dabiici ah oo ay hab-nololeedkeeda waafajisay.

Dhulku waa biya-yarood ee waxaa la hindisay xeelado biyo lagu helo ama laga ga maarmo sida ceelasha birqodka ah, dhacarta, moqorraysiga, quwaaxsiga iyo markii dambe berkadaha.

Dhulku waa dhul daaqsimeed ee waxaa la dhaqday meesiyo badan oo xoolo ah oo siyaalo badan loo dheefsado.

Deegaanku waa safaana bahalgaleen ah ee waxaa la yeeshay farsamo, dhiirrani iyo dagaalyahannimo bahalaha la iskaga caabbiyo.

Halganka sidaa u adag baa lagu soo badbaaday oo nolosha casriga ah lagu soo gaadhay.

Ta aan u socdaa haddaba waa tane, nolosha casriga ahi wax ay innooga baahan tahay fikrado, aqoono, farsamooyin iyo xeelado cusub oo aynnu ku badbaadno.

Laakiin boqollaal kun iyo malyuumaad qof oo noloshii hore ka barakacay baa isugu soo ururay tuulooyin waa weyn oo magaalooyin loo bixiyay, kuwaas oo ka madhan dhammaan duruufihii magaalannimo, dawlad ka shaqaysa aan lahayn, wax lagu noolaado iyo ilo dhaqaalana aan lahayn.

Keliya waxaa la is la hor iyo dabo wareegayaa dillaal iyo mallaal, tuugnimo iyo musuq, shisheeye marna la baryo marna danihiisa xun loo fuliyo, is dhiigmiirasho iyo nabaad-guurin degaan.

Wax ay ahayd in la barto culuunta iyo tiknoolojiyada casriga ah si wax loo soo saaro dunidana looga mid noqdo, waxaa se la dhisay boqol jaamacadood oo aan wax macno leh lagu baran, qofka ka soo baxaana rabo in uu ka mid noqdo dillaaliinta iyo mallaaliinta.

Dheelli aad iyo aad u weyn oo halis ah baa ku jira hab-nololeedka cusub ee Soomaalida, run ahaantiina lagu ma sii noolaan karo. La gu ma socdo tubtii halganka badbaadada ee dabeecaddu waajibinaysay.

W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed aka Ibraahin-Hawd