DARUUFAHA KALA DUWAN OO AY KU SHAQEEYAAN HAWEENKA SOOMAALIYEED

Haweenka soomaliyeed ayaa ah lafdhabarka buLshada.

waana kuwa ugu muhiimsan ee doorka dhaqalaha rerka laga helo oo ay ku nool yihiin qoyska xataa hadii rerku oow mas’uul ka yahay aabe .

Dhaqanka soomaliyed ayaa ah mid kajira in ay dumarku xamashan waana mid soojiren ah qarniyo markii lala bardhigo Raga ayaa aad ugu yar in ay shaqeyan hawenka sababta ayaana ah halista shaqo oo aysan dumarka qaban karin ilaa in ay ku dhiiradan mooye dumarka qaar oo ay xad baahi aad ubadan hayso mooye.

waxaa jiro shaqooyin badan ay qabtaan Haweenka soomaliyed waxaana ka mida:

1-Ganacsiga

2-Siiyasadda

3-Waxbarashada

4-Ciidanka IWM.

SHEEKADA HOOYO SOOMAALIYEED OO IIBISA CAANAHA DALKA

Hooydaan ayaa waxa ay ku noshahay dagmada hodan oo ka tirsan Caasimadda Muqdisho, waxaa ay ka ganacsataa caanaha mana jiro ganacsi kale oo ay ku tiirsan tahay.

Mar aan la sheekeystay ayaa waxa ay iiga sheekeeysay sheekooyin halis galiyay nafsadeeda intii ay ganacsigaan ku jirtay ilaa iyo haddana ay ku jirto waxa ay ii shegtay in ninkeeda xanunsan yahay ayna mas’uuliyadda caruurteeda qaaday .

Waxa ay kalo sheegtay in ay shaqada gasho barqada kana soo baxdo aadanka salaadda subax, taas oo micnaheedu tahay in ay habiinkii oo dhan shaqeyso.

Haddaba, waxyabaha halista galiyay ayaa ah sida ay ii sheegtay in dhowr mar la haweystay nafsadeeda, sidoo kalana laga dhacay caana ay iibineysay oo ay sabab u tahay waxa ku dhacaya amni xumada dalka ka jirto.

Waxaa jiro hooyoyin badan oo loogeystay dhibaato jir ahaaneed kuwasoo fadhiisiyay anigoo og halistaas ayaana ka tanaa sulin shaqadaas ilma hayga dartood si ay fursad ugu helaan mustaqbalka birito.

“markii aan weydiyay su,aal ah maxaa kugu kalifay in aad shaqadaan qabato ayado ay jiraan shaqoyin kale oo ka sii fursad badan?

“Waxay iigu jawabtay in ay haysato 5-Wiil iyo Ninkeeda oo xanuunsan  caruurteeduna ay karaban waxa ay cunaan iyo wax ay xirtaan.

Sidoo kale, Waxbarashada ay u dheer tahay, waxay kaloo ay tiri caruurtu ma gartaan waxba mahayi ee isii mooye, mas’uuliyaddaan ayaa ah mid adag mana jirto shaqo kale oo doorasho ah.

hooyadaan ayaa sidoo kale, tiri “Mas’uuliyadda waa mid loo siman yahay dumarkana ay tahay mas’uuliyadooda tarabiyeynta caruurta aysanna ahayn in ay bannaanka kasoo shaqeeyaan anigu waan waayay tarabiyeynta caruurteyda halka badalka aan bannaanka uga soo shaqeeyo, blase waxaan bulshada u sheegayaa in loo baahan yahay isku tanaasul caruurtana mas’uuliyadooda la ilaaliyo.

FURSADDA SHAQADA CIIDANKA dumarka.

Haweenka ku nool soomaaliya ayaa ah in aan looga baran shaqada ciidannimo balse ka hor burburkii soomaalia 1991kii, dumarka waxay aad ugu badnaayeen shaqooyin badan oo ay ragga kala siman yihiin sida ciidan iyo fursado kale oo aad u badan ka dib burburkii waxaa aad u yaratay is qorista ciidanka dumarka ah waxaana la la xariiriyay isbaddalka dadka ka dhex dhacay haddii ay noqotay in dalka burburay dadkoo isbaddalay diintii oo aad loo fahmay, dhaqankii oo isbaddal ku yimid.

Haweenka iyo ku soo biirista ciidanka ayaa waxaa la dhihi karaa baahida loo qabo askar ay tahay iyo in ay buuxineyso shaqada raggu qaabilsanayeen ayna tijaabiyaan nafsaddooda haddii ay dalkooda wax ka baddali karaan inta badan haweenka ayey waxyeellada dhibaato ka soo gaartay burburka dalka waana muhiim in haweenku yaqaanaan is difaacidda naftooda, maalkooda iyo dalkooda.

Maxay haweenku u qaateen fursadaha?

In kastoo fursadaha shaqo dumarka ay aad u badan yihiin soona bandhigeen intii lagu guda jiray soo kabashada dowladnimada-

1-Waxaa jiray sababo badan oo ay haweenku u beddeleen noloshooda si ay u qaataan dalabyada cusub.

2-Waxaa jiray sababo asal ah oo waddaniyadeed, markii ay dacaayad ka dhigeen dadka kama badalin hadafkooda , si ay u sameeyaan waxa ay ku taageeraan qarankooda qaarkood waxay galeen qaabab cusub oo shaqo baahida loo qabo,

Doorka siyaasaded ee haweenka

Waxay ka qayb qataan xilalka wadanka waxay leeyihiin qoondo dumarka qaas uleyihiin oo dhan 30% tiro aad ubadan ayaa ku jirta siyaasada dalka waxay ka shaqeeyn masiirka dadka ayadoo wajibka hooyanimo qooysnimo gudato dumarka ayaa lagu yaqaan naxariis soona barbarisay siyaasiyiin howl kar ah waxaana lagu amanaa dorka siyasinimo ee kajiro dalka walina lagu sheegin isdaba marin musuq maasuq iyo wax kharsi.

Sidoo kale cawiyaan masaakiinta iyo wajibka saraan ee dumarnimo awood ALLE subxaanuhu watacaalaa siyay ayaa ah in ay ugu yaraan 10 howl isla marka qaban karaan waliba isku waqti.

WQ: IKRAAN SHIRE CILMI