Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM

Beijing:- Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Mudane Cawaale Cali Kullane, iyo Danjireyaasha Dalalka Belgium iyo Pakistan ayaa ah sadexda danjire ee lagu casuumay in ay khudbad ka jeediyaan shirka waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay

Shirka oo ku saabsan habka loo hirgelin lahaa-hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Dalka Shiinaha. Munaasabadda ayaa lagu qabtey Xarunta UN-ka Qaramada Midoobay ee magaalo madaxda dalka shiinaha Beijing.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay UNSDCF u leedahay hirgelinta hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay ee Dalka, wuxuuna Danjiruhu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii loogu guuleysan lahaa 17-ka Hiigsi ee Ajendaha Horumarinta-waarta (SDGs)  ee2030.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa ammaanay sida ay dalka Shiinaha u curisay nidaam u miradhaliyey horumar wanaagsan . Waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku dayasho mudan yihiin mrka la eego sida ay Shiinuhu ugu heelan yihiin in ay khibradaha iyo agabka la wadaagaan wadamada kale ee soo koraya, iyada oo loo marayo iskaashiga Shiinaha ee dalalka soo kooraayo, taas oo qayb ka qaadanaysa in la gaaro horumarka caalamiga ah ee Ajendaha Horumarinta-waarta 2030 (SDGs).

Intii lagu guda jiray, war-bixintii Dowladaha Xubnaha ka ah, Danjire Kullane waxa uu uga warbixiyey ka soo qeyb galayaasha horumarka Soomaaliya. Wuxuu la wadaagay guulihii laga gaaray Amniga iyo xiriirka dibadda iyo horumarinta dhammaan hayaddaha dawliga ee dalka.

Ugu dambeyntii, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si siman loo helo fursado dhaqaale iyo hab-nololeed ilaalinayo xaqa ay leeyihiin haweenka iyo dhalinyarada.