Danjire Kullane oo iftiimiyay muhiimadda ay Shiinaha iyo Afrika u leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ku saabsan muhiimadda ay Shiinaha iyo Afrika u leedahay horumarinta tayada sare leh ka jeediyay shirkii 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF) oo ka socda magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha, kaas oo soo bilowday 1-da bishan Luulyo, 2023.

Madashu waxay ujeedadeedu tahay in la horumariyo wada-hadallada iyo iskaashiga si wax looga qabto caqabadaha adduunka ka jira. iyo xasilinta nidaamka adduunka.

Safiirka Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa sharxay horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsatay muddooyinkii ugu dambeeyay ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay wada-hadallada siyaasadeed, horumarinta dowladnimada iyo amniga dalka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa soo hadal qaaday guulaha dhaqaale ee Soomaaliya oo ay ku jiraan deyn cafinta iyadoo loo marayo Hindisaha wadamada deymaha lagu leeyyahay, ilaalinta maalgashiga, iyo dadaalada xasilinta dhaqaalaha. Safiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka iyo gaadiidka, tamarta, iyo isku xirnaanta dhijitaalka ah, si loogu adeego mudnaanta horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Afrika.

Shirka oo muhiim u ah Dalalka soo koraya ayaa safiirka Soomaaliya ee Shiinaha madasha ka sheegay ahmiyadda ay leedahay in la curiyo lana badiyo siyaabaha kale duwan ee dhaqaalaha Africa lagu kobcin, si loo yareeyo yaraynta ku tiirsanaanta dhoofinta kheyraadka badeeciga ah, iyo maalgashiga horumarinta ummadda iyada oo loo marayo waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo  horumarinta xirfadaha kala duwan.

Ugu dambeyntii, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay isbeddelka dhijitaalka ah, kor u qaadista ganacsiga e-commerce iyo xirfadaha dhijitaalka ah, iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa tignoolajiyada cusub si loo kobciyo aqoonta iyo isticmaalka cusub dhijitaalka ah. Waxa uu sidoo kale ku booriyay in la helo nidaam midaysan oo lagu wado shaqeeyo si isdhexgalka ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo isdhaafsiga aqoonta,taas oo xoojinayso iskaashiga Shiinaha iyo Afrika loona hubiyo in si guul leh loo hirgeliyo Hiigsiga iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2035.