Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

Kisumu:-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi Siyaat iyo u qaybsamaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Sareeye Gaas Maxamed Bariise ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kisumu. Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah isla markaana looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Jaaliyadda iyo safaraadda, iyo sidii loogu fududeyn lahaa Jaaliyadda adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Kisumu oo ku taal galbeedka dalka Kenya, isla markaana uu maro wabijga ama harada weyn ee loo yaqaano Victoria ayaa ah Caasimadda Ismaamulka Gobolka Kisumu, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Kenya. Kisumu ayaa sidoo kale ah caasimadii hore ee Gobolka Nyanza.

Magaalada Kisumu waxaa ku ganacsada Soomaali degaan ka dhigatay halkaas muddo haatan laga joogo100 sano, inkasta oo dadka Soomaalida ee ugu badan ee ku dhaqan magaaladaas ay yimaadeen Magaalada Kisumu horaantii 1990-kii.

Laga soo bilaabo xiligaas waxaa degaankaas ay soo dhaweysay oo ay marti galisay Soomaali aad u badan. Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkii 1996 ka dhisay Magaalada Kisumu suuqii ugu horeeyay oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Suuqa Soomaalida ayaa ah mid ay ka duukeeystaan dadka ku nool gobolka ismaamulka Kizumu. Waxaa sidoo kale suuqa aad u isticmaalo gobolada ku xeendaaban gobolka Kizumu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sameeyo ganacsiga la isaga gudbo dalalka Uganda iyo Kenya. Waxa ay Magaalada Kisumu iyo nawaaxigeeda ku leeyihiin in ka badan 30 Kaalimo Shidaal ah.

Ganacsatada Soomaalida ayaa ah kuwa xushmo iyo Sharaf ku haysta Magaalada Kisumu, iyaga oo shaqaaleysiiyay kumanaan Kenyaan ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamuud Maxamed Hiish oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaloyeed oo ka socda Dowlad Soomaaliyeed uu soo booqda dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kizumu.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadashay Xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doorto golaha deegaanka Kisumu, Marwa Farxiya Ciid, iyada oo amaantay hogaanka Jaaliyadda midnimada iyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kisumu.

Waxaa kalmad soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jirta ka jeediyay kulanka Ganacsade Yuusuf Cabdi Madaale oo ka mida aas-aasayaasha Jaaliyada Soomaaliya ee Kisumu.

Jaaliyada ayaa u sheegtay Danjire Jabriil inay jiraan dhibaatooyin la soo darsa dad tahriibayaal oo ka soo gudbo xadka Uganda iyo Kenya, iyaga oo aanan haysan waraaqaha aqoonsiga ama visaha dal galka kuwaas oo Mararka qaar ku raaga xabsiyada. Danjire Jabriil ayaa balan qaaday in arintaan uu kala hadli doono madaxda gobolka iyo tan dowlada Dhexe intuba.

Danjire Jabriil ayaa warbixin buuxda ka siiyay Jaaliyadda Horumarka uu dalka Soomaaliya sameeyay iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaana la isla gartay in Jaaliyadda iyo Safaaradda sy ka wada shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

“Runtii sharaf ayaa ku leedihiin Gobalkan, waana waxa aad kasbateen, Safaaraddu waxa ay diyaar idinla tahay inay idinka caawiso waxkasta oo aad uga baahataan”.ayuu yiri Danjire Jabril.