Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mudane Ilyas Cali Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa gaaray Magalada Lubumbashi ee Dalka Congo DRC,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.
Wafdigaasi waxaa soo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka gobolka Haut-Katanga mudane Michel Kabwe Mwamba, duqa magaalada Lubumbashi mudane Patrick Afwimbi Mumamba iyo qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.
Danjiraha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen dowladda Kongo iyo shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Lubumbashi,isagoo horay ula soo kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku nool Magaalada Kinshasa,si uu u ogaado xaalada dadka iyo heerarkooda nololeed.
Danjire Ilyas Cali oo Socdaal shaqo u jooga dalka DRC Kongo, ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha Jaaliyada Soomaalida ee ku sugan Lubumbashi.

