Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeedisay Machadka Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha, taasoo qayb ka ahayd munaasabadaha sannadkan lagu xusayo 65 sano guruada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Khudbadda oo cinwaankeedu ahaa “Soomaaliya iyo Shiinaha 65 Sano Kadib: Xiriir Istiraatiiji ah oo Galaya Weji Cusub,” waxay safiiraddu diiradda ku saartay saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal, doorkii Soomaaliya ee ahaa dalkii ugu horreeyey Bariga Afrika ee aqoonsada Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sida ay maanta labada dowladood u doonayaan in xiriirkooda loo xoojiyo, siibana dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, horumarka iyo dowlad-dhiska.
Safiiraddu waxay sidoo kale diiradda saartay baahida loo qabo in xiriirka taariikhiga ah loo beddelo iskaashi muuqda oo waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah dhallinyarada iyo ganacsatada.
Munaasabaddani waxay qeyb ka tahay taxane dhacdooyin ah oo ay safaaraddu ku xusaysay sanadguurada 65-aad ee xiriirka labada dal oo ah mid ku saleysan ixtiraam, wax wada qabsi, iyo saaxiibtinimo muddo dheer soo jirtay.