Danjire Cabdixakiim oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmad ayaa ka qaybgalay kulan isugu jira soo dhawayn iyo afur ah oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Xadramuud magaalo Madaxdiisa Mukala dalka Yemen,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Jaaliyadda iyo Safaaradda iyo isku xirka ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku dhaqan.