Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed ayaa dhinaca kale waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland Alexander Stubb,kadib kulan caadi ah oo ka dhacay Madaxtooyada dalkaasi.
Munaasabad ka dhacaday madaxtooyada waxaa labada dhinac ay isweydaarsadeen ahmiyadda xiriirka dibolomaasi ee labada dal iyo kaalinta uu ka qaadan doono iskaashiga labada dowlad ee Soomaaliya iyo inland iyo isdhexgalka qeybaha bulshada.
Kulankaasi kadib,Danjire Cabdikarin Axmed Maxamed oo maamuli doona safaaradaha Finland iyo Sweden,waxaa xarunta Somaliliitto ku soo dhoweeyay xubno ka socday Ururka Midnimada Bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo qaar ka mid ah xubnaha goleyaasha deegaanka ee Helsinki iyo Vanta.
Magacaabidda safiirka Soomaaliya ee Finland waxay muujinaysaa bilow cusub oo u furmaya bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sahleysa xiriirka iyo wada shaqeynta safaaradda, isla markaana meesha ka saaraysa caqabado badan oo horay u haystay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

