afiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Dalka Jarmalka Danjire C/Casiis Maxamuud Maxamed ayaa ka qaybgalay munaasabadda Maalinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Czech Republic,taas oo lagu qabtay Magaalada Prague.
Ka qeybgalka safiirka ee munaasabaddaan ayaa ka dambeysay casuumaad uu madaxweynaha dalkaasi Petr Pavel u fidiyay safiirka oo matalayey dowladda Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ayaa madaxda dalka Czech Republic u gudbiyay dhambaal uu uga siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,kaas oo loogu hambalyeynaayay xuska maalinta qaranka ee dalkaasi.
Dhjinaca kaleDanjire C/Casiis maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda,gaar ahaan waaxda dalkaasi u qaabilsan Arrimaha Afrika.
Kulankaasi waxaa looga hadlayxoojinta xiriirka labada dal iyo sidii looga shaqeyn lahaa sii wadidda arrimaha horumarineed ee labada dhinac.

