Danjire Aadam Isxaaq oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Afrika

madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa maanta oo Jimce ah xarunta Madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Pretoria, si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadam Isxaaq Cali (Adam Issak Ali).

Tallaabadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la rajeynayo in safiirku ka shaqeeyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Guddoominta warqadaha aqoonsiga ayaa astaan u ah bilowga rasmiga ah ee waajibaadka diblomaasiyadeed ee Safiirka cusub, kaas oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku matali doona Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.