Danjiraha Soomaaliya u jooga Sacuudiga oo booqday Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya, Saalim Macoow Xaaji oo uu weheliyo qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga magaalada Jiddah ayaa booqasho ku tagay Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara.

Danjire; Saalim Macoow Xaaji ayaa guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara ugu mahad celiyay deeqaha waxbarsho ee ay u fidiyaan Ardayda Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa codsaday in la kordhiyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata gaar ahaan Ardayda diyaarineysa waxbarashada heerka labaad ee Master-ka iyo kuwa PhD degree-ga.

Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina Al Munawara oo ay haatan dhigtaan todobaatameeyo Arday oo Soomaali ah ayaa waxaa xilliyo kala duwan ka Aflaxay culimaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ka ah Caalamka.