Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb galay kulanka meertada 164-aad oo lagu qabtay xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Dalka Masar.
Kulankaan oo ahaa mid heer wasiir ah,waxaa looga hadlay arrimmo badan oo ay kamid ahaayeen sidii diiradda loio saar lahaa danaha dalalka Carabta iyo sidookaleqadiyadda dadka reer
Danjiraha Soomaaliya oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa kulankaasi mudadii uu socday ka jediyay khudbad ku aadan sida dowladda Soomaaliya ay u aragto xalka howlaha horyaalla Ururka Jaamacadda Carabta iyo sida uu uga qeybqaadan karo horumarda socda.
Danjire Awaare ayaa ku booriyay xubnaha Ururka Jaamacaadda carabta in si dhab ah loo qaato natiijada iyo go’aamada wax ku oolka h ee ka soo baxay kulanka ururkaasi,gaar ahaan arrimaha khuseeya wanaajinta iskaashiga wadamada Carabta.