Darasalam: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Drs. Anna Peter Makakala, oo ah Taliyaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalkaas oo xarunta dhexe ay ku taallo Magaalada Dar es Salaam.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga arrimaha socdaalka si loo fududeeyo isu socodka, taageeridda is-dhexgalka gobolka, iyo xaqiijinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Tanzania.
Danjire Ilyaas ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso mas’uuliyiinta socdaalka Tansaaniya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay iskaashiga noocaan oo kale uu muhiim u yahay horumarinta ganacsiga, amniga, iyo xiriirka laba geesoodka ah.
Drs. Makakala ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Danjire Ilyaas, waxayna u xaqiijisay Safiirka inay diyaar u tahay inay adeegyo daahfuran u fidiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dhinac.