Guangzhou: Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman, ayaa toddobaadkan ku guda jirtay booqashooyin ay ku qiimeyneyso xaaladaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobollada kala duwan ee Shiinaha. Intii lagu guda jiray booqashadeeda magaalada Guangzhou, waxay la kulantay ganacsatada, iyo ardayda Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan cabashooyinkooda iyo inay ka shaqeeyaan iskaashi wadajir ah.
Ganacsatada ayaa soo bandhigay caqabado ku saabsan helitaanka fiisaha ganacsiga ee baasaboorka Soomaaliga, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ee Shiinaha. Dhanka kale, ardayda ayaa codsaday in la sameeyo xafiis gaar ah oo matala xuquuqdooda iyo baahidooda.
Danjiraha ayaa balan qaaday inay cabashooyinkooda gaarsiin doonto hay’adaha ay khuseyso, iyadoo jaaliyadda u xaqiijisay in ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso danta guud. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigelisay ganacsatada inay xoogga saaraan dhoofinta khayraadka Soomaaliya, taasoo sare u qaadi karta dhaqaalaha dalka, iyagoo dhowraya shuruucda waddanka ay ku sugan yihiin.
Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqday in Safaaradda Soomaaliya ay diyaar u tahay mar walba in ay taageerto jaaliyadda, iyadoo albaabada safaaradda u furan yihiin qof kasta oo u baahan. Tallaabooyinkan firfircoon ayaa muujinaya sida ay safaaraddu ugu go’an tahay mideynta jaaliyadda iyo horumarinta nolosha Soomaalida ku nool Shiinaha.