Danjiraha Soomaaliya ee Masar oo la kulma wasiirka tacliinta sare ee dalkaas

Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Dr. Cabdulcasiis Qansuwa, Wasiirka Tacliinta sare iyo Cilmi-baarista ee Masar.

Kulankan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi-baarista iyo sidii loo fududayn lahaa deeqaha Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka waxaa lagu adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan horumarinta waxbarashada, is-weydaarsiga aqoonta iyo tayeynta awoodda ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Masar ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka tacliinta labada dal isagoo xusay in ay usoo bandhigayaan Soomaaliya fursado kala duwan oo ah heerarka waxbarashada Jaamacadaha, si ay uga faa’iidaystaan ardayda Soomaaliyeed

Danjire Awaare ayaa Dhankiisa dul istaagay adkaynta xiriirka labada iyo adeegyada horutabinta u leh ardayda Soomaaliyeed isagoona uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya

Kulankan Waxaa ka qayb galay Danjire Kariim Shariif, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Masar ee Arrimaha Afrika oo kaalin mug leh ka gaystay miradhalka shirka.