Pretoria: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Mudane Aadam Isaaq ayaa maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Koonfur Afrika u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ee uu ku matalayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa sidoo kale Madaxa Hab-maamuuska Dowladda Koonfur Afrika ku wareejiyay fariin rasmi ah oo ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalaan Cabdi cali (Dhaay), taas oo ku socotay dhiggiisa wadanka Koonfur Afrika.
Safiir Aadam Isaaq ayaa sheegay in muddada uu ka howlgalayo Koonfur Afrika uu mudnaan gaar ah siin doono horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo kobcinta wada-shaqeynta dhinacyada labada ay dan wadaagta ka leeyihiin.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, isaga oo xusay in Safaaraddu ay diiradda saari doonto ilaalinta iyo horumarinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas.


