labada mas’uul ayaa isla gartay in la sameeyo Guddi Saaxiibtinimo oo labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Aljeeriya ah, si loo horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada Baarlamaan
Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yusuf Axmed Xasan, ayaa kulan la qaatay maanta Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya, Dr. Khaliida Bufdaash.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, iskaashi dhex mara labada Gole ee Baarlamaan si ay isaga taageeraan dhinacyo badan oo mudnaan u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla gartay in la sameeyo Guddi Saaxiibtinimo oo labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Aljeeriya ah, si loo horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada Baarlamaan.
Ugu dambayn, waxaa la filayaa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Aljeeriya, si loo xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Aljeeriya.




