Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay guddoomiyaha aqalka sare ee dalkaas

Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa kulan muhiim la qaatay maanta Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya Mudane Cazuuz Nasri.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriir-ka qotada dheer ee labada dowladood ee Somaalia iyo al-jeeriya, Waxaana laysla af-gartay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo oo isku dhaf ah kuwaas oo iska kaashanaya khibradaha iyo tababarada labada Baarlamaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Al-jeeriya ayaa mudooyinkii dambe kor u qaadayey sidii labada dal ay isaga kaashan-lahaayeen waxbarashada, amniga , ganacsiga iyo waliba xirirka diblomaasiyadeed taas oo hada meel fiican maraysa.