Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia, Dr. Faysal AxmedSalaad, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka tababar socday muddo saddex toddobaad ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka Indonesia, iyadoo kaashanaysa Ururka Badaha ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika (MOWCA), Tababarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha gaadiidka iyo arrimaha badaha, waxaana Soomaaliya ay markii ugu horreysay ka qaybgashay barnaamijkan, inkastoo aysan xubin ka ahayn ururka.
Tababarka ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah MOWCA iyo Soomaaliya, Labada wakiil ee Soomaaliyeed ee si guul leh u dhammaystay tababarka, isla markaana shahaadooyinka la guddoonsiiyey, ayaa kala ahaa Mohamud Ahmed Mirwak oo ka socda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Abdisalan Mohamed Musse oo ka socda Maamulka Dekedda Muqdisho.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee barnaamijkan ayaa muhiim u ah kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyo ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca gaadiidka badda, Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia ayaa uga mahadcelisay Dowladda Indonesia iyo MOWCA taageerada iyo fududeynta ka qaybgalka wafdiga Soomaaliyeed.







