Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Chad oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Djamena-(Wargeyska Dalka)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad, Mudane Mahamat Idriss Deby Itno.

Amb. Jaamac Xasan oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Jubba ee Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, ayaa sidoo kale noqonaya Safiirka aan degganayn (Non-Resident ) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Chad.

Gudbinta Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo waxa ah muujinaysaa xoojinta xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Chad,

Sidoo kale Labada Dal waxaa ka go’an adkeynta iyo horumarinta xiriirkooda ku dhisan Saaxiibtinimada, is-ixtiraamka iyo ka shaqaynta Danaha wadajirka ah.