Dalkeennu ku dalxiis macaanaa Duunyo dhaqasho wacanaa, dalkeennu waa iska daawo dacallada, haddaba dowladda soomaaliya ayaa 13-ka september sannad walba u aqoonsatay in ay tahay maalinta dalxiiska Soomaaliya, ujeeddaduna waxa ay tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa dalxiiska gudaha dalka Soomaaliya,.
mudda hadda laga joogo shan sano, dowladda Soomaaliya waxa ay xus iyo isu imaatan ka samaynaysay sidii sare loogu qadi lahaa dalxiiska soomaaliya, sannadkii 2017-kii ayey Soomaliya ku biirtay hey’adda Dalxiiska Adduunka, waxayna sheegtay in ay ka go’antay in dib loo soo nooleeyo dalxiiska Soomaaliya.
Dalxiiska Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, tan iyo 1960-kii, wuxuu ka mid ahaa hantida ama waxa ugu muhiimsan ee uu wadanku lahaa iyo kaabayaal dalxiis oo gumeystihii Taliyaaniga uu ku wareejiyay dowoalddii Soomaaliya ka curatay 1960-kii.
Waxyaabihii uu ku wareejiyana waxaa ka mid ahaa hoteellada caanka ah ee Jubba iyo Shabeelle.
Waaxda dalxiiska Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay burburkii, waxayna qaadatay ku dhowaad 30 sano, sidii dib loogu soo nooleyn lahaa.
Shan sanadood soo laabashadeedii ka dib wax la taaban karo uma qabsoomin walow ay cududaar ka dhiganayaan in xilligii Caronaha oo gaabis balaadhan ku yimid shaqooyinka dawladda iyo kuwa caadiga ah ba.
Yaasir Baafo, oo ka mid ah dadka u ololeeya dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, ayaa hadda ka hor sheegay in dalkeena uu ka mid yahay dalalka caalamka ee dalxiiska dhabiiciga ah leh, haddii ay ahaan lahayd cimiladda, badda, beeraha, buuraha, biyo dhaca, carada iyo wabiyada.
In kastoo amni ahaan, Soomaaliya weli aanay ka jrin isku hallayn buuxda, sidoo kalena Dowladda Federaalka waxay wali dagaal kula jirta ururk Argagixisada Al Shabaab oo beegsata hoteellada, haddana muddooyinkii la soo dhaafay waxaa jiray dad si iskood ah isu abaabulay oo dalxiiska Soomaaliya soo bandhigayay, iyagoo ka faa’ideesanaya cimillda, doogga qurxoon, badda iyo xoolaha loo daawasho tago.
Soomaaliya waxa ay leedaha goobo aad u fara badan oo loo dalxiis taga, in kastoo qaarkood ay suuro gal ahayn in la tago sababa amni dartiis, goobhaas waxaa ka mid ah; Goob wayn, Jasiirradda Sacaada Diin, Liido Beach isha baydhabo, Xeebta Jaziira iyo Xeebta Eyl iyo kuwo kale.
Xeebta Jazeera oo ah dhul xeebeed u jirta 20 KM magaalada Muqdisho ayaa ah goob horay loogu asteeyay in ay ka mid noqoto goobaha dalxiiska Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe.
XEEBTA JAZIIRA.
Xeebta Jazeera oo ah dhul xeebeed u jirta 20 KM magaalada Muqdisho ayaa ah goob horay loogu asteeyay in ay ka mid noqoto goobaha dalxiiska Soomaaliya xilligii dowladii dhexe ee Kacaanka.
Inkastoo aysan lahayn hoteello la seexo oo u dhow, haddana xeebta Jasiira waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan Soomaaliya.
Xeebta Jaziira ayaa ahayad mesha kaliya ee loo damaashaad tago burburkii ilaa laga soo gaadhay 2015.
Magaalada Xeebeedka Eyl
Eyl oo ah magaalo taariikhi ah una jirta 240 kilomitir magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa caan ku ah buuro iyo dhismooyin taariikhi ah tan iyo Talyaanigii iyo Xarumihii saldhiga u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ay wali dhismooyinkaas qadiimiga ah ka dhex muuqdo magaalada bartamaheeda.
Magaalada waxaa kale oo ay leedahay beero iyo xeeb qurxoon. Waxaa ay sidoo kale leedahay matxaf lagu keydiya ama lagu qurxiyay waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.
Waxay kamid tahay goobaha la booqdo ee gudaha dalka. Sidoo kale waxaa ku yaala dhisma weyn oo uu dhisay Sayid Maxamed Cabdile Xassan.
Sacaadu Diin
Jasiiradda Sacaadu Diin waa jasiirad yar oo ku taalla xeebta magaalada Seylac ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaana loo socdaa 15-20 daqiiqo oo doon ah. Waxay ka mid tahay meelaha ugu bilicda iyo daawasha qurxoon ee ay booqdan dalxiisa yaashu.
Goobtani had iyo jeer way cagaaran tahay, waxaana ka baxa geedka loo yaqaano qandalka, wana goob biyaheedu ay degan yihiin. Sacaadadiin waa jasiiradda ugu caansan jasiiradaha Soomaaliya ee loo dalxiis tago.
Goob weyn
Goobweyn waxay ku taallaa duleedka magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxayna 10km u jirtaa magaalada Kismayo.
Qaab dhismeedka Goobweyn iyo waxyabaheeda dabiiciga ah, waxay ay ka mid yihiin meelaha aadka looga xiiseeyo dalalka caalamka, waana bar ay isaga darsamaan biyaha badda iyo wabiga Jubba oo Qur’aanka lagu sheegay.
Goobta waxaa beero ka sameystay dad beeraley ah, waxayna leedahay dhir kala duwan, maadaama laga heli karo biyaha badda iyo kuwa wabiga.
Sidoo kale waxay hadda noqotay goob dalxiis oo inta badan dadka taga magaalada Kismayo ay booqdaan ayna isaga soo qaadaan sawiroiyo nuuqaalo, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan biyaha wabiga Jubba iyo kuwa badweynta Hindiya.
WQ; NIMCO SAGAL