Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhaleeceeyay dalalka qaniga ah iyo shirkadaha waaweyn ee tamarta in ay wadaan xeelado arxan-daran oo ka dhan ah dalalka saboolka ah ee doonaya in ay kobciyaan dhaqaalahooda.
Dalalka Qaniga ah iyo shirkadaha waaweyn ayaa lagu eedeeyay in lacago ribo ah iyo dulsaar kale ay saareen deynaha lagu leeyahay dalalka saboolka ah,iyadoo sidoo kale la cuuryaamiyay qiimaha shiidaalka isla markaana lagu sameeyay sicir barar.
Khudbad uu maanta ka jeediyay furitaanka shirka ka dhacaya Qatar, Guterres wuxuu sheegay in wadamada hodanka ah ay tahay in sanadkii ay bixiyaan $ 500-bn, si ay u caawiyaan dalalka saboolka ee la daalaa dhacaya dadaalada kor loogu qaadayo dhaqaalaha iyo horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada.
Shirwaynaha ka dhacaya Qadar, ayaa caadiyan la qabtaa 10-kii sanoba mar laakiin laba jeer ayaa dib loo dhigay tan iyo 2021 sababtoo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.
Ma jiro hoggaamiye ka socda mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka oo ka qayb galay shirkaasi,waxaana sidoo kale kulankaasi goob joog ahaan uga maqan Afgaanistaan iyo Myanmar oo ah laba dal oo sabool ah.