Dalalka Islaamka oo dhaleeceeyay hadallo ka soo yeeray Hindiya oo ka dhan ah Islaamka

Waxaa sii sii kordhaya dhaleeceyn loo jeedinaayo maamulka Hindiya, ka dib markii saraakiil ka tirsan xisbiga talada haya ay jeediyeen hadallo Islaam nacayb ah xilli ay socotay dood laga baahiyay telefishinka dalkaasi.

Ugu yaraan shan waddan oo Carab ah ayaa dhigay mudaaharaadyo rasmi ah oo ka dhan ah Hindiya,iyagoo ka jawaabaya hadallo ka soo yeeray laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Bharatiya Janata,kuwaas oo aflagaado u geystay nabi Muxamed (NNKH) iyo xaaskiisa Caaisha.

Pakistaan,Afganistaan iyo kuwo kale ayaa ka mid ah dowladaha dhaleeceeyay Hindiya,waxaana baraha bulshada ku sii baahaya carada,iyadoo ay soo baxayaan  baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecooyinka ka yimaada dalka Hindiya.

Dhaleecayntaan oo sidoo kale ka timid muslimiinta Hindiya ayaa ah mid aad u daran, taasoo tusinaysa in cayda Nebi Muxamed ay tahay khalad weyn oo la galay.