Waxaynu wada ognahay in dad meel kuwada Nool ay u baahan yihiin Maamul dhaqaajiya oo kala haga umuurahooda adduunyada ee ay u baahan yihiin sida dhaqaalaha ay haystaan dal ahaan, siyasad jaan gooysa taladooda oo la isku wada raacsan yahay, isla markaana qaabaysa arimahooda bulshada ee balaaran.
Laakiin waxaa lama arag iyo lama maqal igu noqotay markii ay indhaheenu arkaan dadkii loo igmaday ama loo dhiibtay Maaraynta qodobadaas iyaga oo aan saldhigin hawshoodana guda galin lagala hor yimaado mucaaradad indha la’aan ah oo keeni kara isdil iyo is mooro duug, mar kale ka dhaca dalkeena.
Dadka uu Ilaaheey abuuray ma aha hal qof oo badan macnaha waxaan ula jeedaa hal qof oo inta kale wada shabahaan, taas haddii ay dhici lahaydna wax iska hor imaad ah ma yimaadeen, laakiin dadku waxay ku kala duwan yihiin Dhaqanka, Midabka, Qaabka, dabeecadda iyo dib u aragga maskaxeed,Aqoonta.
waxaana laga dhex helayaa qaar badan oo dulqaad leh iyo in kaloo aan dulqaad lahayn oo degdegsiimo badan, waxaa ku jira markii la isqabto oo aragtiyaha la kala aaminsan yahay ay is jiiraan, durbadiiba kala horyimaada deganaan iyo in wax kasta wada hadal lagu xaliyo, halka qaar kale marka Khilaaf yimaado ama la is qabto xalka u arka in gooni loo baxo isla markaana la abaabulo dhib keeni karo dib udhac & Dad keeni karo dil, dhac iyo bara kac, halka uu dhinacaa hil maamayo in wada hadal iyo wada xaajood kamaran waranka mudaciisa wax lagu dhameeyn karo.
Nin caaqil ah ayaa waxaa laga hayaa “Dad Badan Aqoontooda Ayaan Kaga Kalsoonahay Dad Kale Oo Badan Aqoondardooda”, wuxuu rabo ninkaas hakala jeedo Eraydaas, laakiin waxaa ii xaqiiqooday mar aan sidaas u sii fogayn.
Hadaba inta aan soo sheegnay iyo inkale oo badan waxa sabaaba marka larobi Dal iyo Dadkiisa la burburiyo in lagala Dagaalamo,
Dhaqanka, akhlaaqda,damiirka, Aqoonta iyo Awood sheegida dhexdood la baro si fudud loogu qeexo oo ah qaabka kaliye daneystahu u fulin karto aragtidiisa.
Halka garashada khaladka, samaha,xumaha loo kala sooco lagu wacyi galin lahaa amaba Caruuurtooda Lagu abaabin lahaa.
Waxa aan halkaan ku qeeexi doonaa waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado.
Aqoontu waa arin lama huraan u ah jiritaanka bulshada, suura galna ma aha in bulsho jiri karto haddii aysan lahayn xeerar nidaamiya xiriirka xubnaha bulshada midba inta kale ee uu la wadaago oo uu u noqdo halbeeg ay ku qiimayso habdhaqanka xubnaha bulshada laguna ogaado waxa uu ruuxu hagaajiyey iyo waxa uu haleeyey.
Waa Muhiim in aad sameeyn kartoisbarbardhiga Damiirkaaga iyo Damiirka dadka dhigaaga waana mihiim inaad sixi karto saxda iyo Khaladka, intaase waxa ka horeeyo inaad leedahay Aqoon iyo Aragti wadanimo oo dhaba.
Hase ahaatee manta waxaan arkeynaa xaalada uu Dalkeena ku sugan yahay inay tahay Xaalad soo kabasho Jahligii na dhaxal siiyey Qaxooti nimada iyo Qaran La,aantuna aan usacaba tumeeyno weli..
Dajinta sharci wanaagsan oo lagu diyaari Maskax Aqoon lagu laray damiir wanaagsan baa ka dhiga habdhaqanka dhaxalka dadka oo dhan mid ay uwada siman yihiin Madaw, Caddaan,reer bari iyo reer galbeed, kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysan, muslimiin iyo kuwa aan muslim ahayn intaba lkn Soomaalinimadu wadaagaan oo aysan jirin qolo si gaar ah.
Taasna haddii aad daliil iga waydiiso waxaan daliil kaaga dhigayaa dalkeena soomaaliya oo ay ragaadiyeen colaado aan kala joogsi lahayn oo ugu danbeeyn hanjamada nadhaxal siin karto Qaran la’aanta ,burburku leeyahay, baa waxaan ku baaqayaa intii la isku dili lahaa hasha biyo ma cabtaa mise ma cabto saw kama haboona in marka hore si miir ah oo wada xaajood ku dhisan wax lagu dhameeyo, sideedana wada hadalku dhib ma keeno ee dhibku wuu yareeyaa waxaan ka dhasho Isfahan iyo Xadaaradnimo ilbaxa.
Waxaana intaa ugu sii dari lahaa inta aaminsan in awood isdil iyo is mooraduug wax la isugu sheego in ay la soo banaan baxaan burhaanta wadahadalka iskana dhigaan qorigaan madoow iyo baaqyada colaad hurinta ah, si dalka iyo dadku ay u helaan makaan xasiloon oo ay ka suuroowdo nolol wanaagsan.
WQ: Cabdi Risaaq Axmed Absuge