Dagaalo ka socda koonfurta Ma’rib ee dalka Yeman

Jiida koonfureed ee Ma’rib ayaa la sheegayaa maanta oo Arbaco ah in ay ka dhaceen dagaallo aad u qaraar, sida ay ku soo warramayaan Suxufiyiinta halkaas ku sugan.

Diyaaradaha Isbaheysiga dalka Yeman ayaa saacadihii la soo dhaafay halkaas duullaan xooggan ku qaaday, iyaga oo duqeeyay fariisimo ay ku sugnaayeen Kooxda Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa hadda ka socda qeybo ka mid ah buuraha Al-Sawaad ​​oo u dhexeeya magaalada Bani Dabyaan iyo Sirwaax oo ka tirsan Ma’rib.

Wasiirka Warfaafinta Yeman, Mucamar Al-Eryani, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ka dagaalamaya Ma’rib lagu xoojin doono Ciidamo kale oo hor leh, si gabi ahaanba halkaas looga saaro Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo bilihii la soo dhaafay, qeybo ka mid ah Ma’rib ka waday dagaallo.

Dagaallo is daba jooga ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday halkaas ayaa sababay in dad badan ay ka barakacaan deegaannada ay colaaduhu ka jiraan ee gobolka qaniga ku ah saliidda.