Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo galay maalintii 4-aad

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine oo galay maalintii affaraad ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Ukraine ay jilibka u aasteen sidii isaga difaaci lahaayeen duulaanka Moscow ay ku ekeysan dalkooda.

Militiriga Ukraine ayaa sheegay in 3,500 oo askari oo Ruush ah kuĀ  waxyeeleeyeen dagaalka.

Duqeymo isadaba joog ah ayaa ka dhacaya magaalooyinka waa weyn ee dalka Ukraine oo ay caasimadda Kiev ku jirto.

Ku dhowaad 120,000 oo qof ayaa ka qaxay dalka Ukraine kuwaas oo intooda badan galay dalka deriska ah ee Poland.