Dagaalada ka socda Ukraine oo galaaftay nolosha 726 qof oo rayid ah

Qarasmada Midoobay ayaa  sheegtay in la diiwaangaliyay dhimashada 720 qof oo lagu dilay dagaalada ka socda dalka Ukraine ee u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa dalkaasi.

Hadaladaan ayaa soo baxay ,iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen kulan xog-wareysi ah oo ku saabsan xaaladda Ukraine tan iyo markii Ruushku uu ku  duulay dalkaasi,

Sidoo kale,ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen 43 weerar oo lagu qaaday xarumaha caafimaadka ee Ukraine.

Dhinaca kale,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in manta oo Jimco ah uu wadahadal dhanka taleefanka ah la sameeyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping .

Mr Biden ayaa doonaya in madaxweynaha Shiinaha uu cambaareeyo faragalinta Ruushka ee Ukraine