Dagaal beeleedyo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose oo xal laga gaaray

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Maxamad Ibraahim Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaannada Numbar 50 iyo Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in deminta colaad beeleedyadaasi uu gacan ka geystay in la wada hadlo, iyagoo dhamaystirka wixii dhimanna ay kala xaajoodeen Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna sheegay in wax garadku ay la qaateen tallaabooyinka uu maamulka qaaday.

Guddoomiye Maxamad Ibraahim ayaa tilmaamay in dagaal beeleedyadu ay abuuraan argagixisada si ay cimri dherersi ugu noqoto, balse ay dhagartooda ka feejigan yihiin haatanna ay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa beelaha ay xurguftu ka dhaxayso ee ku dhaqan gobolka Shabeellada hoose.