Dadweynaha Soomaaliyeed oo si toos ah Su’aalo u waydiin doona Madaxweyne Xasan Sheekh

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Dr Xasan Sheekg Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb gelaya Barnaamujka Kulan dadweyne oo Shacabka Soomaaliyeed si toos ah Su’aalo ugu waydiinayaan madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa inta madashani socoto wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa guullaha iyo horumarada laga sameeyey furimaha dagaalka inta uu socday halganka deeganada dalka goobaha at kaga sugan yihiin khawaarijtu looga xoraynayo,iyo guud ahaan wixii u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee uu hayey talada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah kuwaas oo ku aroora hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad,dadweynuhu waxay sidoo kale su’aalahooda kusoo dhiiban karaan habka fogaan araga Online-ka ama qoraal.

Iska diiwaangeli lingaxan hoose si aad u dhiibato su’aasha aad waydiin rabto Madaxweynaha.